U bood dhigaalka

Ra’isul Wasaare Cali Khaliif Galeyr oo Geeriyoodey, Akhriso Taariikh Nololeedkiisa

Sheeko:Amniga

Waxaa goordhow magaalada Jigjiga ku geeriyoodey ra’isul wasaarihii hore ee TNG-da Soomaaliya Cali Khaliif Galeyr, haddaba halkan kala soco taariikhdiisa.

Cali Khaliif Galeyr,  waxaa uu  ku dhashtay magaalada Laascaanood 1941. Cali Khalif waa shakhsiyad caan ah oo xilal badan kasoo qabtay dalka iyo dibadda,

Waxbarashadii:

Cali Khalif Waxaa uu waxbarashadiisa kusoo qaatay dugsiga Sheekh sanadii 1962, Isagoo sidoo kale ka baxay Jaamacadda B.A (Honors) Boston University, Boston, M.A. sanadkii 1965-tii, Waxaa sidoo kale M.A kasoo qaatay Jaamacadda University, Syracuse, N.Y sanadkii 1969-kii. isla Jaamacaddaas ayuu ka qaatay shahaadad ugu sareysa dunida ee loo yaqaano PH.D Syracuse University, Syracuse, N.Y  1972-dii.

Shaqadii uu qabtay:

  1. 1965-1967 Waxaa uu Xafiiska Siyaasadda u qaabilsanaa Wasaaradda arimaha gudaha.
  2. 1970-1973 Waaxda tababar-ka ee Somali Institute of Public Administration (SIPA)
  3. 1973-1974 Agaasinta guud SIPA
  4. 1974-1976 Agaasinka Mashruuca Sonkorta ee Jowhar (SNAI)
  5. 1976-1980 Madaxa fulintam, Barnaamijka loo yaqaano Juba Sugar Project (JSP)
  6. 1980-1982 Wasiirka Warshadaha ee Dowladii Mohamed Siyaad Barre
  7. 1982-1984 Waaxda Arimaha Dibadda ee Harvard University, Cambridge, MA
  8. 1984-1986 Xarunta Daraasaadka Bariga dhexe, Harvard University, Cambridge, MA
  9. 1986-1989 Lataliyaha US Firms, USAID, U.N-ka qeybta hor-umarka
  10. 1989-1991 Assistant Professor Wax ka dhiga Public Administration . Maxwell, Syracuse, University, Syracuse, N.Y
  11. 1991-1994 Associate Professor, Qeybta Public Administration, Maxwell School, Syracuse University, Syracuse, N.Y
  12. 1994-1996 Professor-ka Public Administration and International Relations, Maxwell School, Syracuse University, Syracuse, N.Y
  13. 1996- 2000 Maamulahan , Sharjah, UAE

 Cali Khalif iyo Dowladii Cabdiqaasim Salaad

Cali Khalif waxaa uu ka mid ahaa wufuudii ka qeyb gashay shirkii dib u heshiisiinta Arte ee dalka Djabuti.

  1. Oktoobar 8-dii 2000 ilaa oktoobar 28 2001 R/Wasaaraha Dowladda KMG ee Soomaaliya ee madaxda ka ahaa Madaxweyne Cabdiqasim Salaad Xasan.
  2. 2002 – 2006 Professor-ka ayaa wax ka dhigay University of Minnesota, Minnesota, USA

Khaatumo:

  1. Waxaa Saaxdheer loogu doortay Madaxweynimada Khaatumo 14-08-2014 l.
  2.  28-08-2014-ka ayaa loo dhaarinayaa xilka madaxweynimada Khaatumo State.

Inkasta oo uu maanta Jigjiga ku geeriyoodey, muddooyinkii dambe waxaa uu ku sugnaa Hargeisa isaga oo qaatay siyaasadda Somaliland. Arrintan ayuu sheegay iney ku timid wada hadal dhexmaray isaga iyo maamulkaas oo la xiriira wax qeybsi.

Goobjoog News