U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Cumar “Waxaa Inoo Haray Farsamo iyo Inaan Dib Isugu Soo Noqonno”

Sheeko:Dalka

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashid oo shir jaraa’id qabtay markii uu fashilmay shirka Kismaayo ayaa ka hadlay sababta uu shirka u fashilmay.

Ra’isul Wasaaraha oo Saxaafadda la hadlayey ayaa sheegay  in shirkan uu soo bilowday January 10, looga xaajoonayey hiigsiga 2016-ka iyo sida looga gudbi lahaa mudada dhamaaneysa.

Cumar waxaa uu warbaahinta u sheegay in arrimo badan iyo afkaar badan la isku keenay lakin loo baahday in dib la isugu noo noqdo.

“Farsamo ayaa noo hartay oo aan dooneyno in aan dib uga shaqeyno aan si dhaqso ah isugu soo noqono” ayaa hadaladiisa ka mid ahaa.

Ra’isul Wasaaraha waxaa kaloo uu intaa raaciyay in shirkan midka xiga meesha la isugu imaanayo iyo waqtiga in ay dib ka sheegi doonto dowladda federaalka ah.

Shirka Kismaayo waxaa uu fashilmay kadib markii la isku mari waayey nooca doorasho ee 2016-ka, madaxda qaran ee goobta isugu timid waxaa ay isku khilaafeen habka loo qabanayo doorashada 2016-ka, ma hab 4.5 mise hab deegaan, koox walba waxaa ay ku dhegtay qodobadii ay shirka la timid.

Goobjoog News