U bood dhigaalka

Ra’isul Wasaare Kheyre Oo Ka Gaabiyay Ballan-qaadyo Iyo Barnaamijyo La Xiriiray Isla-xisaabtanka

Sheeko:Dalka

Xukuumadda Isla-xisaabtan ee ra’iisulwasaare Xasan Cali Kheyre waxaa muddadii ay jirtay dalka ku soo kor-dhisay barnaamijyo badan oo isla xisaabtan ah iyadoo arrinkaasi ay qeyb ka ahayd ballan-qaad uu ka sameeyay golaha shacabka hortiisa bishii March 1, 2017-kii kolkaas oo codka kalsoonida la siiyay wasiirrada.

Ra’iisulwasaare Xasan Cali Kheyrre wuxuu sheegay inuu ballanqaadayo sare u qaadidda hufnaanta iyo isla xisaabtanka si musuqmaasuqa loola dagallamo. “Waxaan la imaan doonnaa dadaal, daacadnimo, karti, hufnaaan ku saleysan isla xisaabtan..waxaan xaqiijin doonnaa inaan si joogto ah u hor imaanno aniga iyo golaha wasiirrada, baarlamaanka hortooda, si daahfurnaan iyo isla xisaabtan loo helo” sidaasi waxaa sheegay Kheyre

Bishii March ee sanadkan, waxaa uu soo kordhiyay nidaam wasiir walba shax la xiriirta caddeynta hantidiisa guurtada iyo ma guurtada, waxaa kale oo la sheegay in laga saxiixi doono qoraal ku wajahan mas’uuliyadda iyo waajibaadka wasaarad walba iyo waajibaadka qarinta xogta iyo sirta qaranka.

Xasan Cali Kheyrre ayaa ka hadlay in ay sameyn doonaan nidaam isla xisaabtan shaqo cusub ah qaabka ay u shaqeynayaan Wasiirrada, waxa laga rabo in ay fuliyaan isla markaana bil walba lagula xisaabtami doono, qofkii fulin waayana loo sheegi doono in waajibkiisa uu kasoo bixi waayey.

Labo bil kadib, May 21, 2017-kii, waxaa la arkay ra’iisul wasaare Kheyrre oo golaha la xisaabtama isaga oo mid mid ula kulmay wasiirrada, waxaa kulankaas Saxaafadda loo sheegay in uu qeyb ka yahay kulamo isla xisaabtan iyo is xog wareysi  ah, shaqada noocaas ah halkaasi ayey ku soo afjarantay.

Waqtigaasi kadib, waxaa xukuumadda ra’iisul wasaare Kheyrre ay hirgelisay labo barnaamij oo loogu talo-galay isla xisaabtan iyo baahinta maamulka, nasiib darro labadii barnaamijba warkooda lama haayo.

Labadaasi barnaamij waa  “Maqal Dadkaaga” iyo midkii baahinta maamulka ee ra’iisul wasaaraha ballan-qaaday in uu kulanka golaha wasiirrada ku qaban-doono xarumaha maamul goboleedyada.

August 30, 2017-kii,  waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay  kulan loogu magac daray  “Maqal Dadkaaga” kaas oo Ra’iisul wasaare Xasan Kheyrre ku sheegay isla xisaabtan u dhaxeeya golaha wasiirrada iyo warbaahinta, shirkan oo lagu sheegay mid bille ah waxaa hadda ka soo wareegatay 2 bil, waxaana muuqata in lagu guul-dareystay joogteynta.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre oo kulankaasi furay waxa uu shacabka u sharraxay ujeedkiisa “Intaan waxaa ay ahayd in yar oo kooban oo loogu talagalay in bil walba aan u yeereyno wasiirrada qaarkood iyo ra’iisul wasaaraha si aad noola xisaabtantaan, noona weydiisaan su’aalaha aad dooneysaan laakiin shacabka Soomaaliyeedna aad ugu soo dhaweysaan dowladooda, in aan idin-siinno fursad aad noogu timaadaan, nagalana hadashaan xaaladda dalku uu maraayo’

Kheyrre waa uu sii hadlay “Xukuumadda waxaa ay aaminsan tahay in dalka aan wada leenahay kulligeenna aan ku shaqeyno wax la yiraahdo mas’uuliyad wadareed, idinkana waxaa idin saaran mas’uuliyad, inagana waxaa na saaran mas’uuliyad, sidaas daraadeed ayey muhiim u tahay in aad leedihiin fursad aad kula xaajootaan golaha wasiirrada.

Dhinaca kale waxaa istaagay shirar uu ra’iisul wasaaraha ugu talo-galay isla xisaabtan iyo baahinta maamulka iyo federalism-ka, shirarkan oo kii ugu horeeyay ka dhacay Kismaayo waxaa lagu sheegay in uu tixane ahaan-doono oo golaha wasiirrada xukuumadda ra’iisul wasaare Xasan Kheyrre ku tagi lahaayeen maamul goboleedyada dalka.

Golaha Wasiirrada Haddii Xamar ku xirnaadaan Soomaali ma matali karaan, waa in ay Bannaanka u soo baxaan:

Ra’iisul Wasaare Xasan Kheyrre oo ka hadlay kulan hor-udhac ah oo Kismaayo ka dhacay July 30, 2017-kii, waxaa uu sheegay in ay wax wanaagsan tahay kala war-qaadashada wasiirrada dowladda federaalka ah iyo dhiggooda maamul goboleedyada,

Mr. Kheyre oo sii hadlaya waxaa hadalladiisa ka mid ahaa “Waxaan idin kugu imid in aan golaha wasiirrada u sheego in wasiir walba uu la kulmo wasiirka dhiggiisa ah, muddo 45 daqiiqo ah, shirka golaha wasiirrada oo aan bilaaban ka hor, oo aad is xog-wareysataan, ka wada hadashaan qaabka loo shaqeyn-karo, shaqada si loo dardar-gelin karo, wasiirrada dowlad goboleedka waxaan ka codsanayaa in aad u sheegtaan wasiirada dowladda federaalka ah waxa aad rabtaan in ay qabtaan, qaabka aad rabtaan in la idiinla shaqeeyo, laba wasiirna waa in aad ka wada hadashaan sidii dalka la isugu soo dhaweyn lahaa”

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Khayre oo Kismaayo kula hadlay shacabka kadib 6 saac oo golihiisa wasiirrada ay halkaasi ku shirayeen waxaa uu yiri

‘Waxaan u heysannaa tilaabadan aan idinku nimid innaga oo golihii wasiirrada ah inay tahay: (1) Tillaabadii aan horay ugu qaadnay Soomaalinnimada, (2) Tillaabadii ay ku fahmaayeen golaha wasiirradu in aanay Xamar wasiir u ahayn ummadda Soomaaliyeedna wasiir u yihiin, in dadka Xamar jooga, dadka Kismaayo jooga, dadka Garoowe jooga, kuwa jooga Cadaado iyo dadka meel walba jooga oo Soomaali ah ay wasiir u yihiin, waajibna ka saaran yahay, muhiimna ay tahay in si caddaalad ah ugu shaqeeyaan…Dalkan in uu horay u maro waajib ayaa idinka saaran, in aad wax ku kordhin kartaa golihii wasiirrada waa in aan wax ka baranaa, golaha wasiirrada wax aadan u shaqeyn karin Xamar haddii ay ku xirnaadaan Soomaali ma matali karaan, waa in ay Bannaanka u soo baxaan, waa in aad u sheegtaan oo tiraahdaan kaalaya bannaanka u soo baxa”.

Istaagista kulamada golaha wasiirrada ee maamul goboleedyada waxaa dhinac socday su’aalo ay mucaaradka iska weydiiyeen lacagta ku baxday safarkii Kismaayo iyo xukuumadda Kheyrre oo hadda aan xiriir fiican la lahayn maamul goboleedyada iyada oo marar badan ay ku eedeeyeen faragelinta arrimaha maamuullada dalka ka jira.

Haddaba, 3 bil kadib shirkii golaha wasiirrada ku tageen Kismaayo iyo 2 bil kadib shirkii golaha wasiirrada iyo warbaahinta, waxaa la isweydiin karaa sababta ay u baaqdeen labadaasi shir? Iyo Sababta loo sii wadi-waayey isla xisaabtanka xukuumadda.

Goobjoog News