U bood dhigaalka

Ra’isul Wasaare Kheyre Oo Ka Hadlay Safarkiisa Boqortooyada Sacuudiga

Sheeko:Dalka

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay dalka Sucuudi Carabiya kadib casuumaad uu ka helay Boqor Salman bin Abdulaziz.

Ra’iisul wasaare Xassan Cali Khayre oo dalka Sucuudiga ay uga billaabanayso booqasho rasmi ah oo laba maalin qaadanaysa, ayaa safarkiisa waxaa ku wehliya wasiirrada warfaafinta, arrimaha dibadda iyo ganacsiga iyo xildhibaanno.

Ra’isul wasaaraha ayaa bartiisa Twetter-ka ku soo qoray “maanta, waxaa dalka uga baxayaa booqasho rasmi ah oo aan ku tagi-doono boqortooyada aan walaalaha nahay, waxaan la kulmi-doonaa mas’uuliyiin si aan uga wada hadalno xiriirka labada dal iyo xoojinta xiriirka walaaltinnimo”.

Wasiirka warfaafinta xukuummadda federaalka Soomaaliya, Amb. Daahir Maxamuud Geelle, oo ka warbixiyay safarka ayaa sheegay in ra’iisul wasaare khayre iyo madaxda dalka Sucuudiga ay yeelanayaan kulamo looga hadlayo xoojinta xariirka walaaltinimmo ee labada dal ka dhexeeya, isbedellada gobalka iyo guud ahaan caalamka.

Goobjoog News