U bood dhigaalka

Ra’isul Wasaare Ku xigeenka oo Raalli-gelin Bixiyey

Sheeko:Amniga

Mahdi Maxamed Guuleed,  ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda federaalka ah oo ka mid ah mas’uuliyiinta ka qeyb galeyso kulanka shirka machadka Heritage ee Garoowe ayaa raalli gelin ka bixiyey hadal hore u yiri.

Mahdi, oo jeediyey khudbad dhinacyo badan taabaneeysa ayaa soo hadal qaaday war dhowaan uu ka sheegay munaasabad uu kaga qeyb galay xarunta murtida iyo madadaalada qaranka, kaas oo ahaa in madaxweynaha waqtigiisu dhamaanayo uu marka doorashada la gaaro wareegga Koowaad ku soo bixi dooono .

Mahdi Guleed ayaa yiri ”  Waxa aan rabaa in aan uga faa’ideysto  shirweeynaha iyo Bannelkaba een Hadal aan horay u iri ayaan rabaa in aan raali gelin iyo xaalba ka bixiyo , oo ahaa Wareegga koowaad Arrintii wareegga xaal baan ka bixinaya”.

Ra’isul wasaare ku xigeen Mahdi Gulleed ayaa intaas hadalkiisa ku daray ” Madaxweeyne Axmed Madoobe sheegay ee indhah cadcadda Habiqinina, Ha cabsanina wareeggi koowaad xaal baa laga bixiyay, Garoonka waa inoo furan yahay hala soo diyaar garoobo “.

Goobjoog News