U bood dhigaalka

Ra’isul wasaare ku xigeenkii hore ee Soomaaliya oo Geeriyoodey

Sheeko:Amniga

Waxaa caasimadda Muqdisho ku geeriyoodey ra’isul wasaare ku xigeenkii Soomaaliya Cabdullahi Sheekh Ismaaciil.

Cabdullahi Sheekh oo sidoo kale ahaa Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka 10-aad waxaa uu ahaa diblomaasi waqti dheer kusoo jiray siyaasadda.

Dowladdii Cabdullahi Yuusuf waxaa uu ka ahaa ra’isul wasaare ku xigeenka iyo wasiirka arrimaha dibadda isaga oo mas’uul ka ahaa in ciidmada safka hore ay yimaadaan Muqdisho, waxaa kale uu xukuumaddii Cumar Cabdirashiid ka noqday wasaaradda gaadiidka.

Cabdullahi waxaa uu ahaa sidoo kale Xildhibaaan ka tirsan baarlamaankan iyo kuwii ka horeeyey.

Dhanka kel Guddoonka golaha Shacabka ayaa ka Tacsiyadeeyay geerida Xildhibaan Cabdullahi.

” Inna Lillahi Wa Inna Ilayhi Raajicuun

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa dhammaan xillibaanada Golaha iyo guud ahaan shacbiga soomaaliyeed kaga tacsiyadeeyay geeridii ku timid Allaha u naxariistee Xildhibaan Cabdullahi Sheekh Ismaaciil Oo Goor dhow ku geeriyooday Magaalada Muqdisho. Waxaana gaar ahaan uu ugu tacsiyeeyay ehelada iyo qoyska marxuum xildhibaanka

Xildhibaanku wuxuu ahaa rugcadaa in badan qarankaan u soo shaqeeyay soona qabtay xilal kala duwan hadane wuxuu ka mid ahaa xildhibaanada Golaha Shacabka BJFS”. ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Xafiiska guddoonka golaha Shacabka .