U bood dhigaalka

Ra’isul Wasaare Rooble: Beesha Caalamka Hana Taageerto si Aan u Qabanno  Doorasho Daahfuran oo Xalaal Ah

Sheeko:Amniga

Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Rooble ayaa beesha caalamka ka codsaday taageero si ay xukuumadiisa u qabato doorasho xor ah oo xalaal ah.

Mudane Rooble oo arrinkaas ka hadlayey ayaa yiri“Waxaan beesha caalamka ka codsaneynaa iney taageeraan hannaanka doorashooyinka 2020/2021 si ay doorashooyinka ugu qabsoomaan waqtigooda si daahfuran oo nabad ah”.

Waxaa uu Rooble sidoo kale hey’adaha dowladda ku wargeliyey diyaar garow “Xukuumadda federaalka ah iyada oo eegeysa in doorashooyin xalaal oo dhaahfuran ay dalka ka dhacaan waxay ku war gelineysaa dhammaan hey’adaha kala duwan ee qaranka eek u shaqada leh arrimaha doorashooyinka iney waajibaadkooda kaga aadan u gutaan si waafaqsan habraaca doorashooyinka ee lagu heshiiyey”.

Ugu dambeyntii, waxaa ay isaga iyo xukuumadiisa balan qaadeen doorasho xor oo xalaal ah “Aniga iyo xikuumadeyda waxaa hoggaamin doonaa geedi u socodka doorashooyinka , xor iyo xalaal ah, daahfuran, kuna dhacda si nabad ah, halku dhegga xukuumadeyda ee xiliigan waa doorashada ayaa loo dhaqaaqayaa, waxaan shacabka Soomaaliyeed ku boorinayaa iney doorkooda ka qaataan habsami u socodka doorashooyinka”.

Goobjoog News