U bood dhigaalka

Ra’isul wasaare Rooble Oo Baabi’iyey Sharciyada Farmaajo ee Kala-guurka, Uguna Baqay Beesha Caalamka Iney La Socdaan Qaskiisa

Sheeko:Amniga

Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Rooble oo ka jawaabayey qoraalka uu Farmaajo shaqada uga hakiyey ayaa sheegay in Madaxweynaha muddo xilkeedkiisu dhamaaday aanu xaq u laheyn inuu sidaasi sameeyo isaga oo xusay iney ka been abuuray qodobada 87-aad iyo 90-aad ee dastuurka, waxa uuna intaa raaciyey in Farmaajo ku tuntay qodobka 99-aad ee dastuurka.

Rooble oo dastuurka xiganaya ayaa sheegay in Farmaajo isku indho-tiray qodobka 91-aad ee xil gaarsiinta xukuumadda iyo 103-aad ee xukuumadda siinaya awoodaha fulinta.

Ra’iisul wasaare Rooble waxa uu sidoo kale Ku eedeyay farmaajo Carqaladeynta doorashooyinka, abuurid fowdo iyo degenaansho la’aan iyo aanu Farmaajo ka tanaasulin damaciisii ahaa in uu dalka ku celiyo Colaad Sokeeye ama si aan Sharciga waafaqsanayn ku joogo xafiiska Dalka ugu sarreeya.

Ugu dambeyntii, waxaa uu xusuusiyey in Farmaajo waqtigiisu dhamaatay February 8, 2021-kii, uuna jiray heshiiska September 17 oo ra’isul wasaaraha siiyey awoodda doorashada, isaga hey’adaha dowladda ugu baaqay iney sii wataan shaqada, waxaa uuna Farmaajo xusuusiyey in aanu carqaladeyn hawlaha xukuumadda, doorashada, kiiska Ikaraan, beesha caalamka ka dalbaday iney indhaha ku hayaa shakhsiyaadka fashilinaya doorashada.