U bood dhigaalka

Ra’isulwasaaraha Itoobiya oo Sheegey in Ciidamo Geynayo Kismaayo

Sheeko:Dalka

raisul wasaaraha itoobiya Hailemariam DesalegnRa’isulwasaaraha dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn oo warfidiyeenada la hadlay ayaa sheegey in ciidamada dalkiisa ay diyaar u yihiin in ay tagaan magaalada Kismaayo iyo guud ahaan gobolka Jubbada Hoose halkaasi oo ay ka baxayaan ciidamada ka socda dalka Sierra Leone.  Warkani waxaa faafisey wakaaladda wararka AFP.

Ra’isulwasaaraha ayaa yiri “Haddii uu codsi nooga yimaado midoowga Afrika, Itoobiya diyaar ayay u tahay in ay ciidamo u dirto meelihii ay baneeyeen ciidamada Sierra Leona”,.

Wuxuu intaasi ku daray in ciidamada Itoobiya ay hadda joogaan boqolkiiba 60% dhulka Soomaaliya.

Ra’isulwasaaraha Itoobiya ayaa dhanka kale walwal ka muujiyey muranka siyaasadeed ee dalka ka jira, una dhaxeeya madaxda, wuxuuna ku baaqay in dib uusan u dhicin muran dambe.

Ciidamada Sierra Leone oo gaaraya 850 askari ayaa Soomaaliya ka baxaya bisha Janaayo ee soo socota, kadib markii ay suurogal noqon weysey in ay dalka yimaadaan ciidamo kale oo badala sababtuna tahay cudurka Ebola ee ka dilaacay dalkaasi.

Hadalka Ra’isulwasaaraha ayaa imanaya xili dhawaan madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe iyo ku xigeenkiisa Jeneraal Cabdullaahi Fartaag ay madaxda dalka Itoobiya ay shir kula qaateen magaalada Addis Ababa, iyada oo uu hadda Itoobiyo wali joogo Fartaag.

Illaa 4,400 ciidamo ayaa Itoobiya ka jooga Soomaaliya, gaar ahaan gobolada Bakool, Bay, Gedo, Hiiraan, iyo Galgaduud, hadana waxa ay tagi doonaan gobolada Jubbada Hoose iyo Jubada Dhexe.

Googjoog News