U bood dhigaalka

Ra’isulwasaare Cabdiwali oo Ka Hadlay Xus Loo Sameeyey Maalinta Naafada Adduunka (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

cabdiwaliCabdiwali Sheekh Axmed ayaa hadal ka jeediyey xaflad maanta ka dhacday Muqdisho taasi oo lagu xusayay maalinta naafadda adduunka.

Ra’isulwasaaraha oo qadka taleefoonka oga qeybgalay xafladda ayaa sheegey in naafadda Soomaaliyeed ay tahay qeyb muhiim ah oo ka mid ah bulshada, loona baahanyahay in daryeelkooda hawl badan laga qabto.

Wuxuu sheegey in inta uu isaga xilka hayo uu shaqo ka qaban doono taabogalinta naafadda , gaar ahaan xagga tacliinta iyo barista xirfadaha. Wuxuu intaasi ku daray in naafadda ay ka mid tahay laf dhabarta horumarka dalka “Naafada waxa ay ka qeybqaadan karaa horumarka dalka sida waxbarashada, wax soo saarka dalka “ ayuu yiri Cabdiwali Sheekh Axmed.

Wuxuu aad u amaanay naafadda oo uu sheegey in badankood ay lixaadkooda ku waayeen iyaga oo dalka difaacaaya ama wax u qabanaya.

 

 

Dhageyso

Goobjoog News