U bood dhigaalka

Ra’isulwasaare Cumar Cabdirishiid oo Ciidda ku Tukanaya Qardho

Sheeko:Dalka

Wararka laga helayo magaalada Garoowe ee Puntland ayaa sheegaya in Ra’isulwasaare Cumar Cabdirashiid oo dhawaanahan halkaasi u joogey wadahadalo dhinacyo badan leh in uu usii talaabayo magaalada Qardho.

Arrintani ayaa timid kadib markii inta badan la’isku fahmi waayay wadahadaladii u dhaxeeyey dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada Jubbaland iyo Puntland.

Cumar Cabdirashiid ayaa lagu wadaa in munaasabadda ciidda uu ku qaato magaalada Qardho, balse waxaa jira sababo kale oo uu halkaasi u tagayo oo ay ka midtahay arrimo Puntland gaar u ah.

Sidaasi oo ay tahay ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay labada dhinac ee wadahadlaya oo aanan ka ahayn hadal uu shalay wasiirka warfaafinta federaalka jeediyey oo ahaa in rajo wanaagsan laga filayo Garoowe.

Goobjoog News