U bood dhigaalka

Ra’isulwasaare Cumar “ Maamulka Waa in Hoos Loosii Daadajiyaa, Dadkuna Soo Doortaan Cidda Matalaysa”

Sheeko:Dalka

OmarRa’isulwasaaraha cusub Cumar Cabdirishiid Cali Sharma’arke oo maanta la wareegey xafiiska ayaa sheegey muhiimadda ay leedahay in awoodda hoos loo daadajiyo illaa heer degmo, isaga oo dhaliiley in xitaa maamul goboleedyada hadda jira dadka hogaamiya ay iyagu soo doortaan dadka xilka qabanaya, shacabkana aysan wax soo dooranin, taasina aysan ahayn arrin federaalnimo ah.

Wuxuu sheegey in daadajinta maamulka ee laga hadlayo aysan kaliya ahayn dowladda dhexe , balse sidoo kale maamul goboleedyada loo baahanyahay in maamulka hoos loo daadajiyo, dadkana soo doortaan dadkii matali lahaa.

Cumar ayaa dhanka kale xukuumaddii hore ugu hambalyeey hawshii ay qabatay, isagoo sheegey in ay soo gaarsiiyeen meel laga sii wadi karo.

“Dowladaha kale waxa ay leeyihiin asaas adag oo haddii isbadal dhoco horey looga sii socon karo, laakiin dalkeena waad ogtihiin, amnigeena xitaa waxaa haya ciidamo shisheeye” ayuu yiri Ra’isulwasaaraha oo carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in lasii wado hawlgalada amniga, lagana adkaado Alshabaab.

Wuxuu sheegey in dardaaranka Ra’isulwasaarihii hore Cabdiwali Sheekh Axmed uu fulin doono, qaar badan oo golihiisii wasiiradana soo celin doono, balse waxa uu xusuusiyey kasoo qeybgalayaasha in uu u fariisan doono la tashi balaaran si xukuumad uu usoo dhiso.

Dhageyso

Goobjoog News