U bood dhigaalka

Rasaas Weli Laga Maqlayo Hotelka Ambasador Ee Muqdisho

Sheeko:Dalka

Wararka saakay oo Khamiis ah laga helayo Hoteelka Ambasador ee magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegayaan in halkaasi laga maqalayo rasaas loo maleynayo in la isku dhex weydaarsanayo.

Ciidamada dowladda Federaalka ayaa gudaha u galay hoteelka, waxaana weli socota rasaasta kadib markii maqribkii xalay ay rag hubeysan gudaha u galeen Hoteelkaasi.

Dad ku sugan Nawaaxiga Hoteelka Ambasador ayaa u sheegay Goobjoog News in illaa xalay hotelka laga dhex maqlayo rasaas xooggan.

Waxaa xiran wadada horumarta Hotelka Ambasador ee Makka Al-mukarrama, iyadoo sidoo kale halkaasi aanu ka jirin dhaq dhaqaaq shacab.

Weerarka lagu qaaday Hotelkan ayaa ku billowday qarax loo adeegsaday gaari, waxaana uu sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

Goobjoog News