U bood dhigaalka

Rasmi:- Kooxda Kubbadda Cagta Elman Sports Club Oo Shaqada Ka Fasaxday Tababare Muraad Cabdulqaadir

Sheeko:Cayaaraha

Kooxda Kubbadda Cagta Elman ayaa shaqada ka fasxada Macallin Muraad Cabdiqaadir Maxamed oo Elman maamulayay afartii bil ee la soo dhaafay,isagoo hogaaminta naadiga Elman ugu yimid Magaalada Londan ee Dalka UK.

Macallin Muraad oo aqoon wanaagsan u leh xirfadda kubbadda cagta ayaa intii uu maamulayay kooxda Elman,waxa uu geliyay waqti adag,iyadoo maamulka sare Elman ay sheegeen in fasixada tababare Murad ay aheyd go’aan adag,balse ay guul iyo horomar u rajayanayaan macallinkoodii hore Muraad Cabdiqaadir Daahir.

“Tababare Muraad waxa uu ahaa shaqsi dhalinyaro ah,waxaan jecelaan laheyn in uu sii joogo Elman,balse waqtigiisa ayaa halkaa ku ekaa,waxaan u rajaynayaa guul iyo horomar” ayuu qoraal u sheegay Cali Axmed Maxamuud (Kuukaay) oo ah Guddoomiye ku xigeenka kooxda kubbadda cagta Elman.

Sidoo Kale Aqriso Warar Ku Saabsan Elman

https://wordpress-884379-3065991.cloudwaysapps.com/badir-axmed-guul-iyo-horomar-ayaan-u-rajaynaa-maamulka-iyo-ciyaartooyda-kooxda-kubbadda-cagta-elman/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle