U bood dhigaalka

Rasmi: Xisbiga AKP oo ku Guuleystay 317 Kursi, Helayna Aqbaliyad uu Waayey 5 Bil ka hor

Sheeko:Dalka

Maanta oo Khamiis ah waxaa soo baxay Natiijada Doorashada Dalka Turkiga taas oo dhacday November 1, 2015, Waxaana lagu sheegay in uu guuleystay Xisbiga Talada haya ee Cadaaladda iyo Hor-umarinta ee AKP.

Xisbiga AKP ayaa helay 317 kusri oo ka mid ah 550 Kusri ee Baarlamaanka dalka Turkiga, taas oo siineysa in uu si aqbaliyad ah ku maamulo dalkaas.

Guddiga doorashada dalka Turkiga ayaa sheegay in Xisbigan Islaamiga ah uu helay 49.5, arintan oo ka duwan doorasho ka dhacday bishii June.

Dadka falanqeeya Siyaasadda Turkiga waxaa ay la yaaban yihiin wax is badaly 5 bil gudahood iyo sida uu mar kale Xisbiga AKP u helay shacbiyad iyo aqlabiyad uu horay u waayey.

Goobjoog News.