U bood dhigaalka

Ra’yi Xildhibaan: Caleemo saar Mise Dood, Garnaqsi is fahan Kadib is Cafin

Sheeko:War

(Markaan tabar hayey talo ma hayn, hadoon talo hayana tabar ma hayo)…..26/01/2019, waxaa Garoowe ka dhacday xaflad uu marti galin teeda lahaa Madaxwaynaha cusub ee Puntland Saciid Dani.

Xaflada oo si heer sare loo so agaasimayey waxaa lagu casuumay siyasiyiin aad u kala afkaar duwan colaad siyaasdeed oo gaadhay heer uu dhiig ku daato ayaa goobta isugu yimid.

Xalfadu way ka duwanayd sida lagu yaqaanay xafladaha noocan oo kale ah sababtoo ah dadku xor u ma ahayn in ay cabiraan labadii sano wixii dhacay dhaliilaha iyo toosin ninba wixii u muuqan lahaa in uu goobta ka sheego waxana goobta ka cadeeyey madaxdii meesha ka hadashay qaar ka mid ah iyagoo sheegay in uu ka codsaday Madaxwayne Said Dani.

Waxaynu la wada soconaa in Madaxwayne Farmajo jeclaa in xafladu u dhacdo sidii tii Baydhabo oo kale laakiin wuxuu ilawsan yahay Garowe in ay ka dhacday Doorasho Xor iyo Xalaal ah oo tartan umada somaliyeed iyo aduun waynuhu arkayey oo aan faraglin jirin nocay doontaba.

iyadoo siyasidiinta qaarkood laga hor istaagay in ay hadlaan codsiga madaxwayne Farmaajo awgii in madaxwayne farmaajo si laab la kac ah u raaco hadaladii Islaanka ee ahaa in la is cafiyo goobtiina ka yidhi anigu waan idin cafiyey ee idinkuna i cafiya. Hadaba maxaa ka horeeya in la is cafiyo? waa in marka hore cid kasta oo wax dhex mareen wada hadlaan, doodan, is qanciyaan kadibna  is leeb xaadhaan lakiin waan idin cafiyey kadibna aad hadalo kale oo deel qaaf ah daba dhigto wax ka soconaya ma ahan e waxaa lagaga fadhiyaa AF IYO UUR WADA SOCDA.

10 cisho kadib laba sano ayaa u buuxsami doonta madaxwaynaha wixii dhacay ma jecli in aan halkan taxo umadu way ka dheregtsan tahay adna waad og yahay. Md madaxwayne 2020 xaalkaagu wuxuu u muuqadaa odhadan Somaliyeed ee tidhaahda (MARKAAN TABAR HAYEY TALO MA HAYN HADOON TALO HAYANA TABAR MA HAYO).

Waxa kaliya ee Madaxwaynaha laga sugayaa is cafin ka hor waa in uu qabtaa qodobanadan soo socda 2019.

1- In qaabka dorashadu u dhaxayso iyo xeerarka dorashooyinka 2021 ka in ay noqdaan mid qaybaha kala duwan ee siyadada mamul goboleeda iyo labada gole ay ka wada tashayadaan si wada jir ahna loo ansaxiyo.

2- In Doorashooyinka dambe ee ka dhici doona mamul goboledada aanay noqonin sida kuwii shacaba lagu laayey ee afduubka loona adeegsaday ciidanka Itoobiya ee waxaa lagaga fadhiyaa doorasho sida tii Garowe ka dhacday oo kale.

3- In la  dedejiyo wixii wax laga qaban karona laga qabto dib u eegista arrimaha dastuurka.

4- In la tix galiyo dastuurka iyo xeerarka wadanka u yaala ee aad ku dhaartay in badana ku cel celisay in aad noqon doonto Oday Somaliyeed.

5 In fara galinta laga daayo labada gole si ay u gutaan shaqooyinka hor yaala si ay u dhacdo doorashooyin qurux badan.

Md Madaxwayne Labada sano ee ku hadhay ka fiirso oo ka fiirso oo ka fiirso hadii kale waxa ka qoomamayn doonta fursadihii ku soo maray iyo sidii aad wax u maraysay mar aad kaligaa tahay.

Xil. Axmed Moxamud Maxamed