U bood dhigaalka

Recep Tayyip Erdogan Oo Diyaarado Militari U Soo Diraya Muqdisho Si Dhaawacyada Loogu Qaado

Sheeko:Dalka

Afhayeen u hadlay madaxweynaha Turkiga ayaa sheegay in dadkii ku dhaawacmay qaraxii sabtidii lagu daweyn-doono dalka Turkiga.

Dhambaal uu soo dhigay Twetter-ka waxaa uu sheegay ” Diyaarad Militari ah ayaa maanta u duuleysa Soomaaliya si ay daawo u qaado isla markaana ay dhaawac uga soo qaado Turkiga, taasi waa amar uu bixiyay Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan.

Diyaaradda ayaa la filayaa in ay soo gaarto Soomaaliya saacadaha soo socda, si dad badan oo aan dalka waxba looga qaban Karin loogu qaado dalka Turkiga.

Agaasimaha  isbitaalka Ordogan (Ex-Digfeer): Xuseen Maxamud Nuur oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in 207 qof ay qaabileen, 11 ayuu sheegay in markiiba ay dhinteen isaga oo intaasi raaciyay in 12 ka mid xaaladooda khatar tahay oo 5 ka mid ah dadkaasi aan dalka waxba looga qaban Karin, dadka dhintay waxaa uu da’dooda ku qoyaasay 20-40 jir, Isbitaalka Ordogan (Ex-Digfeer) waxaa uu 24 saac isticmaalay dawacadii ay ugu talo-galeen 6 bil.

Goobjoog News