U bood dhigaalka

Ridwaan Xirsi Maxamed “Wasiirkii u arkaa in aanu la jaan qaadi karin hadda, qaabka shaqada Ra’iisul wasaaraha iyo golaha xukuumada u wadaan waxaa u furan in uu is casilo” (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Wasiirka Awqaafta iyo arimaha diinta xukuumada Soomaaliya Ridwaan Xirsi Maxamed oo maanta saxaafadda kula hadlay magaalada Muqdisho, ka dib kulankii golaha wasiirada ayaa waxa uu ka hadlay arimo ku saabsan khilaafka u dhaxeeya madaxda dalka iyo sidoo kale warqado ay dhawaan Ra’iisul wasaaraha u gudbiyeen, Wasiiro, Wasiiro ku xigeenno iyo Wasiiro dowlayaal kuwaa oo ra’iisul wasaaraha looga dalbanayay in uu is casilo.

Waxa uu ka hadlay khilaafka siyaasadeed ee xilligaan ka dhaxeeya madaxda dowladda, waxaana uu sheegay in ay socdaan wada hadal, islamarkaana rajo laga qabo in la dhameeyo.

“Runtii Khilaafka siyaasadeed, waxaan u maleynayaa waa arin xaqiiqa ah oo jirta, hadii khilaaf uu jirana sidaan iminka tilmaamay waxay runtii tahay in lagu soo gaba gabeeyo is faham iyo wada hadal, si wanaagsan ayeeyna howshaasi u socotaa” ayuu yiri Wasiir Ridwaan.

Mar uu wasiirka soo hadal qaaday arinta ku saabsan qoraalo ay Ra’iisul wasaaraha u gudbiyeen wasiiro ka mid ah xukuumada Soomaaliya, wasiiro ku xigeen iyo wasiiru dowlayaal ayuu sheegay in jawaab cad laga bixiyay xafiiska Ra’iisul wasaaraha, isaga oo sheegay wasiirkii aan rabin in umadda uu u shaqeeyo inay u furan tahay is casilaad.

“Arinta ku saabsan xubno ka mid ah golaha wasiirada, gaar ahaan wasiir ka mid ah uu sheegay in Ra’iisul wasaaraha usoo gudbiyeen talo soo jeedin, waxaan filaayaa in jawaab cad uu ka bixiyay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha, runtii ma ahan dhaliisha aynu ognahay in ay la xiriirto Ra’iisul waaaraha ama xukuumada ay ka gaabisay shaqadii ay dalka u haysay, arintaasi waxaa qiray madaxweynaha, khudbadihiisii ugu dambeeyay waa uu sheegay in xukuumada shaqo ay qabatay, marka taasi xiriir lama lahan, xafiiska Ra’iisul wasaaraha waxaa kasoo baxay warbixin leh, Wasiirkii u arkaa in aanu la jaan qaadi karin hadda, qaabka shaqada Ra’iisul wasaaraha iyo golaha xukuumada u wadaan waxaa u furan in uu is casilo oo xilka baneeyo cid kalena shaqadiisa ay qabato” ayuu yiri Wasiir Ridwaan xirsi Maxamed.

Dhinaca kale waxaa Ridwaan Xirsi wax laga weydiiyay sida ay xukuumada u aragto doorashadii shalay ka dhacday magaalada Baydhaba ee lagu doortay Shariif Xasan Sheekh Aadan, iyo sidoo kale hadalkii kasoo yeeray wasiirka Arimaha Gudaha Cabdulaahi Goodax Barre ee ku aadan soo dhaweynta doorashadaasi.

“In wasiir uu hadlo isaga oo ku hadlaya magaca xukuumada, jawaabna uu ka bixiyo siyaasadaha dalka ka dhaca, waxaan filayaa sida caadiga ah in xukuumada Afhayeen ay leedahay, sidoo kalena uu joogo wasiirka Warfaafinta, arinta Baydhaba ka dhacday waxaa jooga gudoomiyaha Baarlamaanka, ahna ku simaha madaxweynaha dalka, anagane ka xukuumad ahaan koldhaw ayaan war cad kasoo saari donna”

Sidoo kale wasiirka ayaa soo hadal qaaday arinta ku aadan shirka Copenhagen ka furmi doona, waxaana uu sheegay in xukuumada ay ku dadaali doonto in looga faa’ideysto sida ku jirta maslaxadda dalka.

“Shirka Copenhagen waa mid qorsheysan oo looga hadlayo hiigsiga 2016, in kastoo laga yaabo heerka ka qeybgalka saameyn inay ku yeelatay khilaafka dalka ka jirka, ayaa hadana xukuumada waxay ku dadaaleysaa in mar walba arimahaasi looga faa’ideysto sida ay maslaxadda dalka ugu jirto, waana in dalka la gaarsiiyaa hiigsiga 2016”

Ugu dambeyn ayaa wasiir Ridwaan Xirsi waxaa la weydiiyay sida ay suurta gal ku noqon doonto in Sanadka 2016-ka dalka la gaarsiiyo doorasho xur ah, maadaama xilligaan Dastuurkii xitaa aan KMG laga saarin.

“Baarlamaanka kala fadhigaan 5-aad shaqo badan ayaa u taalo, waxaan isku ogeyn gudoonka baarlamaanka iyo gudiga golaha wasiirada ee u xilsaaran arimaha sharciyada in shaqadooda ay qabsadaan, waxaa loo xadeeyay Jadwal la’isku waafaqsan yahay oo golaha xukuumaduna kusoo gudbiyo hindise sharciyeedyada muhiimka u ah hiigsiga 2016, waxaynu ognahay inay soo dhex gashay marxalad siyaasadeed oo laga yaabo in carqalad ku keento in ay qabsoomaan howlahaan shaqo, waxaan ugu baaqayaa xubnaha Baarlamaanka in ahmiyad ay siiyaan sidii loo dhaqaajin lahaa howlaha shaqo ee ku xiran in dalkaan 2016-ka la gaarsiiyo doorasho xur ah”

Waxaa hadda muuqanaysa in khilaafka ka dhaxeeya madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed uu saameyn ku yeeshay golaha wasiirada dhexdooda, iyadoo horay loo ogaa in khilaafkaan uu Laba dhinac u kala qeybiyay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.

Halkaan hoose ka dhageyso hadalka Wasiirka.

Goobjoog News.