U bood dhigaalka

Ridwaan Xirsi: “Qarankeenu waxa uu istaahilaa nabad iyo in uu la jaan qaado adduunka

Sheeko:Dalka
Ridwaan Xirsi Maxamed
Ridwaan Xirsi Maxamed./Xuquuqda sawirka:radiomuqdisho.net

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda Federaalka Soomaaliya ahna wasiirka Diinta iyo Awqaafta Mudane Ridwaan Xirsi Maxamed ayaa maanta shacabka Soomaaliyeed u diray farriin ku aaddan sannad-guurada 30-aad ee maalinta caalamiga ah ee Nabadda.

Mudane Ridwaan ayaa tilmaamayay in maalintan ay dadka Soomaaliyeed iyo dhammaan shucuubta adduunka xusuusinayso qiimaha ay leedahay nabadda iyo sida ay darruuri ugu tahay nolosha bani-aadanka iyo horumarka la hiigsanayo.

Munaasibaddan awgeed ayuu Ra’iisul Wasaare-ku-xigeenku dadka Soomaaliyeed ugu baaqay inay nabadda qaataan oo laga waantoobo dagaalada iyo rabshadaha sanooyinka badan ragaadiyey dalka hooyo, isagoo dalbaday in meel looga soo wada jeensado kuwa diidan nabadda, horumarka iyo dawladnimada ee bannaystay dhiigga dadka Soomaaliyeed.

Mudanaha ayaa caddeeyey in Xukuumadda uu gar-wadeenka ka yahay Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed ay dadaal kasta iyo qiima walba ku bixinayso sidii loo xaqiijin lahaa nabad dhammaystiran oo dalku gaaro, isagoo dadkiisana ku guubaabiyey inay qaataan kaalinta kaga aaddan halgankan si loo xaqiijiyo himilooyinka qaran ee ummadda Soomaaliyeed iyo waxa ay dadkeenu istaahilaan.

Mudane Ridwaan ayaa sheegay in Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey uu sannadkii 1981-dii qaraar uu soo saaray oo tirsigiisu ahaa 36/67 loogu asteeyey maalintan nabadda adduunka, isla-markaana ay ka turjumeyso mabda’a ugu weyn ee loo asaasay hay’addaasi oo ah nabadda adduunka, iyadoo hal kudhigga sannadkana uu yahay “Xaqa ay Dadku u leeyihiin Nabadda”.