U bood dhigaalka

Riyadh: Obama iyo Gacanka Oo Ka Wada Hadlaya Daacish, Iran iyo Arrimo Kale.

Sheeko:Dalka

Waxaa Maanta Riyadh ka furmay shir madaxeed dhexmaraya Mareykanka iyo hogaamiyeyaasha Gacanka.

Brack Obama, Boqor Salmaan iyo madaxda kale ee gacanta waxaa ay ka wadahadlayaan arrimo ay ka mid yihiin  Daacish, Iran iyo arrimo kale.

Obama waxaa uu horkacayaa xulufo ka dhan ah Daacish gaar ahaan Daacish-ta Suuriya iyo Ciraaq, waxaa uu raadinayaa in uu adkeeyo arrinkaas.

Shir Madaxeedkan waxaa sidoo kale lagu wadaa in looga hadlo dhibaatooyin ka jira bariga dhexe sida Yemen, Suuriya, Ciraaq iyo Iran.

Obama waxaa safarkan ku wehlinaya wasiiradiisa arrimaha dibadda iyo gashaandhigga, waxaa uu Riyadh soo gaaray arbacadii isagoo kulan gaar ah la yeeshay Boqor Salmaan.

Xiriirka Mareykanka iyo Sacuudiga ma aha mid fiican, labada dhinac  ayaa ku kala duwan arrimo ay ka mid yihiin xiriir la sheegay in Sacuudiga la leeyahay 11 Sep iyo heshiiskii dhexmaray Mareykanka iyo Iran iyo arrimo kale.