U bood dhigaalka

Robert Mugabe: Uma Codeyn Doono Qof Talada Dalka Kula Wareegay Si Aan Sharci Aheyn

Sheeko:Caalamka

Madaxweynihii hore ee dalka Zambabwe Robert Mugabe ayaa sheegay in uusan u codeyn doonin qof xukunka dalka kula wareegay waddo aan sharci aheyn, isaga oo farta ku fiiqay madaxweynaha hadda talada haya ee Emmerson Mnangagwa, kaasi oo beri u tartamaya doorashooyinka madaxtinimo ka dib markii ay dhamaaday Mudadi Mugabe ee soo socotay ku dhowaad 3o sano.

Hadalka Mugabe ayaa imaanaya ka dib markii maanta uu khudbad u jeediyay dad badan maalin ka hor bilaabashada doorashada, Mugabe waxaa uu tilmaamay inay suurto gal aheyn in uu u codeeyo Xisbiga Zano Bf, balse waxaa uu tilmaamay in uu kheyr uu u rajeynayo qofkii ku soo baxa doorashada.

Doorashooyinka beri dhacaya ayaa waxaa ku tartamaya madaxweynaha hadda talada haya Emmerson Mnangagwa iyo Nelson Marquezelli oo ah Abuu kaatite 4o jir ah.

Mnangagwa ayaa horay u ballanqaaday in uu ka qeyb-gali doono doorashooyinka Madaxtinnimo ee dhacaya bishaan.

Doorashooyinkan ayaa ah kuwii ugu horreyay uusan ka qeybqaadaneyn Mugabe tan iyo markii Zambabwe ay madaxbanaanida ay ka qaadatay UK sanadkii 1980-kii.

Goobjoog News