U bood dhigaalka

Roob Daadad Watay oo Ka Da’ay Degmada Xudur Halka Beero uu Baabi’iyey

Sheeko:Caafimaadka

Dadka degan xaafada buulow oo ka tirsan magaalada Xuddur ee  gobolka Bokool ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa saaka ku waabaristay dadad ka dhashay roobab mahigaan ah oo saacadahii la soo dhafay ka da’ayey magaalada xuddur, daadadkaasi oo ka  kala godoomiyay xaafada buulow iyo magaalada Xudur  inteeda kale.

Wararka ayaa intaa ku daraya in xaafadaha qaar dadkii deganaa ay isga barakaceen, halka beerahii udhawaa magaladana gabai ahaanba dalagyadii kabaxay daadadka ay baabi’iyeen biyuhuna ay fadhiyaan beeraha

Xubno ka tirsan Maamulka degmada xuddur iyo Hay’ada ACF ayaa guryahooda ku booqday qoysaska daadaka ay saameeyeen si ay uqiimeeyaan inta ay la egtahay saameynta daadadka khasaaraha maal ee soo gaaray shacabka.

Majiraan wax khasaaro nafeed ah oo ay sababeen daadadka ka dhashay Roobabkii halkaasi ka da’ay balse waxaa jira weli dad guryahooda ay biyo gelin oo ka cabsi qaba in haddii Roobadkale ay da’aan ay ka baracayaan guryahooda.

 

Goobjoog News