Wararka Dalka

Roob Iyo Dabeylo Wada-Socda Oo Laga Cabsi Qabo Inay Ku Dhuftaan Boosaaso Iyo Xeebaha Waqooyi

Xarun saadaasha hawada oo laga leeyahay dalka Mareykanka ayaa ka digeysa in saacadaha soo socda ay roobab dabeylo wato ka di’i-doonaan waqooyiga Soomaaliya iyo koonfurta Yemen.

Roobkan oo laga filayo inuu ku dhufto xeebaha Soomaaliya gaar ahaan Boosaaso iyo magaalooyinka xeebta ah waxaa laga cabsi qabaa in uu dabeylo wato, isla markaana ay dad, guryo iyo hanti wax ku noqdaan.

Roobka la filayo waxaa lagu qiyaasay awooddiisa inta u dhaxeysa 50-100mm, waxaa uuna ku di’i-doonaa xeebaha teedsan Yemen iyo Soomaaliya, waxaana laga yaabaa inuu gaaro ilaa 250mm.

Dabeesha waxaa ay ka soo bilaaban-doontaa jaziiradda Socotra, waxaa ayna ku soo fidi-doontaa xeebaha waqooyiga Soomaaliya iyo Koonfurta Yemen.

Shacabka ku nool Boosaaso waxaa lagu qiyaasaa ilaa 165,000, waxaana lagu wargelinayaa in dabeeshan roobka wadata ay ka xoog badan tahay mid horay halkaasi uga dhacday 2013-kii.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close