U bood dhigaalka

Roob Ka Da’ay Deegaanno Ka Tirsan Gobolka Gedo Oo Biyo La’aan Ay Ka Jirtay

Sheeko:Dalka

Roob xooggan ayaa ka curtay deegaannada waqooyi ee gobolka Gedo kuwaas oo xiray isku socodka degmooyin muhiim ah oo ku yaalla gobolkaasi.

Maxamed Xaaji oo kamid ah dadka ku nool degmada B/xaawo ee gobolka Gedo ayaa u sheegay Goobjoog News in roobabkani ay ka billowdeen deegaannada waqooyi ee gobolka Gedo.

Deegaannada roobabka ay ka curteen oo ah deegaanno ay ka jirtay biyo yari ayaa waxaa ku diirsaday dadka iyo duunyada.

Waxaa sidoo kale lasoo sheegayaa inay saameyn ku yeesheen baabuur sidda shixnado ganacsi oo isaga kala goosha Soomaaliya iyo Kenya gaar ahaan magaalooyinka Baladxaawo iyo Mandheera iyo kuwa kaleba kadib markii ay waddooyinka qaar jarmeen.

Inta badan deegaannada gobolka Gedo ee uu ka da’ay roobkani waxaa ka jirtay biyo la’aan saameyn ku yeelatay dadka iyo duunyada.

Goobjoog News