U bood dhigaalka

Roob Ka Da’ay Magaalada Muqdisho Oo Shacab Badan Saameeyay

Sheeko:Dalka

Saqdii dhexe ee habeenkii xalay ahaa waxaa roob xoogan uu ka billowday magaalada Muqdisho, kaasi oo soo gaaray illaa saakay waabarigii.

Roobkan ayaa saameyn ku yeeshay dadka barakacayaasha ah iyo sidoo kale isku socodkii dadweynaha ee magaalada Muqdisho.

Kaamam badan oo ay deggan yihiin Barkacayaal kuna yaalla magaalada Muqdisho waxaa galay Biyo badan oo roobka kasoo rogmaday.

Waxaa la arkayaa barakacayaal aan awoodin in biyaha ay alaabtooda kala baxaan, islamarkaana guryihii ay deganaayeen ay biyo badan buux dhaafiyeen.

Dhinaca kale waddoyin badan oo muhiim u ah isku socodka magaalada Muqdisho gaar ahaan 30-ka iyo Wadnaha ayeey biyuhu inta badan jareen, waxaana xusid mudan in waddooyinkaasi ay horay u burbursanaayeen.

Xarumaha ganacsiga ee magaalada Muqdisho qaarkood ayaa iyaguna saaka ah kuwo aan la furin sababo la xiriira roobka da’ay.

Sidoo kale roobkan ayaa saameeyay ardaydii wax ka baran jirtay Iskuullada iyo jaamacadaha ku yaalla magaalada Muqdisho iyo sidoo kale dadka shaqaalaha ah.

Qiimo koror ayaa saaka ku yimid qiima lagu raaco gaadiidka dadweynaha sababtuna waxay tahay gaadiidka oo yar iyo waddooyinka oo burbursan.

Goobjoog News