U bood dhigaalka

Roob Ka Da’ay Muqdisho Oo Saameeyey Barakacayaasha Iyo Isku Socodka Magaalada

Sheeko:Dalka

Xalay saq dhexe waxaa magaalada Muqdisho ka da’ay roob xooggan, kaasi oo saameeyay isku socodkii magaalada iyo sidoo kale dadka barakacayaasha ah.

Barakacayaasha ayaa guryahoodii ka sameysnaa cooshadaha waxaa ugu galay biyo aad u badan, iyadoo xalay oo dhan aanay seexan, mana jirin wax gurmad ah oo ay heleen.

Sidoo kale, roobkan ayaa biyo dhigay waddooyin waaweyn oo magaalada Muqdisho, isaga oo saameeyey isku socodka magaalada.

Wadada Wadnaha iyo qeybo ka mid ah wadada Makka Al-mukarrama waxaa buuxsamay ciid (carro) taasi oo ka timid xaafadaha ku dhow waddoyinkaasi, iyadoo gaadiidka ay ku dhib qabaan marista waddooyinkan.

Sidoo kale, roobkan ayaa saameyn weyn ku yeeshay howlihii dib u dhiska ahaa ee ka socday wadada isku xirta Isgoyska Bakaaraha iyo Dabka ee magaalada Muqdisho.

Goobjoog News