U bood dhigaalka

Roob Khasaare Geystay Oo Ka Da’ay Deegaanno Ku Dhawan Deegaanka Jawiil Ee Gobalka Hiiraan

Sheeko:Dalka

Roobab khasaare geystay ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka da’ay deegaanno aad ugu dhaw deegaanka Jawiil ee gobalka Hiiraan, iyadoo xoolo badan ay dhamaadeen.

Gudoomiyaha deegaanka Jawiil Cabdi Macallin Aadan oo la hadlay Idaacadda Goobjoog ayaa sheegay in khasaaraha ugu badan uu ka dhacay deegaanka lagu magacaabo War-qumayo.

Waxa uu tilmaamay in biyo Kulul oo aan la ogeyn meel ay kasoo rogmadeen ay kusoo shubmeen meel ay ku xareesnaayeen Ari badan, waxaana halkaasi uu sheegay inay ku dhamaadeen 85 Ari.

“Ari gaaraya 85 ayaa ku dhintay deegaanka War-qumayo, waxaa kusoo rogmaday biyo Kulul oo aan la yaabannahay meesha ay haatan ka yimaadeen, laakiinse dadka qaar waxay sheegayaan in Biriq ay ahayd, caruur ariga la joogtay ilaahay baa ka badbaadiyay” ayuu yiri Gudoomiyaha.

Gudoomiyaha deegaanka Jawiil ayaa ugu dambeyn ugu baaqay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hay’adaha samafalka ah in ay soo caawiyaan qoysaska ku dhaqan deegaanka War-qumayo, maadaama khasaare uu soo gaarsiiyay roobabkii da’ay.

Goobjoog News