U bood dhigaalka

Roob Lagu Diirsaday Oo Ka Da’ay Deegaanno Ka Mid Ah Gobalka Hiiraan

Sheeko:Dalka

Roob dadka iyo duunyada ku diirsadeen ayaa 24-kii saac ee ugu dambeeyay ka da’ay deegaanno ka mid ah gobalka Hiiraan.

Roobkaan oo ah midka Deyrtay ayaa ka da’ay deegaanada kala ah Buuloburde, Halgan, Booco, Garisiyaani, Moqokori, Aboorey iyo sidoo kale dhul badan oo Miyiga Hiiraan ah.

Cismaan Geedi Cilmi oo ah duqa magaalada Baladweyne oo u waramay Goobjoog News, ayaa sheegay in roobkaan uu ahaa mid dadka ay u baahnaayeen, sababtuna waxa uu ku sheegay in deegaanno badan ay biyo la’aan iyo abaar ay ka jirtay.

“Ilaahay ayaa nimcadaan nasiiyay, roobkaan waxa uu kasoo billawday Nuur Fanax, waxa uu ka da’ay deegaanno badan oo gobalka ka mid ah, sida deegaanada Bariga iyo Galbeedka ah, dadka waxay ahaayeen kuwo ooman, ilaahay ayaana mahadaasi leh” ayuu yiri duqa magaalada Buuloburde.

Roobkaan Deyrta ah ee ka curtay gobalka Hiiraan ayaa imaanaya xilli muddo badan deegaanadaasi ay ka jireen Biyo la’aan baahsan.

Goobjoog News