U bood dhigaalka

Roob Saameyn Ku Yeeshay Dadka Barakacayaasha Ah Oo Ka Da’ay Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Magaalada Muqdisho waxaa habeenkii xalay ahaa illaa saaka ka da’aya roobka xilliga deyrta, kaasi oo saameyn ku yeeshay dadka barakacayaasha ah ee ku dhaqan magaalada.

Roobka ayaa si tartiib ah ku billawday, iyadoo abaare Salaadii Subax ee saaka uu xoogeystay, hase ahaatee uu xoogaa ka dib uu yaraaday.

Roobkani waxaa ka dhashay biyo aad u badan, waxaana biyahani ay degeen wadooyin badan oo magaalada Muqdisho ka mid ah.

Kaamamka barakacayaasha ee ku yaalla magaalada Muqdisho iyo hareeraheeda waxaa saameeyay roobka, iyadoo dadkii deganaa guryaha ka sameysnaa cooshadaha iyo Bacaha uu roobka u galay.

Dhinaca kale waxaa saaka magaalada ku yar isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha, iyadoo wadada dheer ee Makka Al-mukarrama meelo ka mid ah ay biyuhu fariisteen.

Goobjoog News