U bood dhigaalka

Roob xalay ka da’ay Muqdisho iyo wadooyin badan oo jarmay

Sheeko:Dalka

RoobMagaalada Muqdisho ee caasimadda dalka waxaa habeenkii xalay ahaa ka da’ay roob xoogan, kaa oo sababay in ay jarmaan wadooyin badan oo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Roobka ayaa ahaa mid xoogan, waxaana boholo ay ka qodmeyn qaar ka mid ah wadooyinka xaafadaha Muqdisho iyo sidoo kale wadada Wadnaha oo muhiim u ah isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha.

Dhinaca kale roobkaan ayaa sabab u noqday in daad uu ka dhashay, kaa oo galay guryo badan oo magaalada ah.

Dadka ku sugan xeryaha dadka soo barakacay qudhooda ma aanay seexan, qaarkood waxaa guryihii ay deganaayeen la tagay biyihii, iyadoo roobkaan uu ahaa mid noociisa oo kale waayadana dambe la arag.

Goobjoog News