U bood dhigaalka

Roobab Ay Ku Diirsadeen Dadka Iyo Duunyada Oo Ka Da’ay Deegaanno Ka Mid Ah Gobalka Baay

Sheeko:Dalka

Deegaanno ka mid ah gobalka Baay waxa ka da’ay roobab ay ku diirsadeen dadka iyo duunyada, xilli deegaanadaasi ay ka jirtay Biyo la’aan baahsan.

Deegaanada sida xooggan uu roobkaan uga da’ay waxaa ka mid ah Goofgaduud, oo maalmihii ugu dambeeyay dadka ku dhaqan ay biyo la’aan ka cabanayeen.

Gudoomiyaha deegaankaasi Axmed Maxamed oo u waramay Goobjoog News, ayaa sheegay in shacabka ay aad ugu farxeen roobabkaasi, islamarkaana aany jirin wax saameyn ah oo roobka reebay.

“Ilaah baa mahad leh, dhibaato badan ka dib waxaa inoo da’ay roob dadku ay ku diirsadeen, waxay dadka u diyaar garoobayaan in beerahooda beertaan, ma jirto saameyn uu nagu yeeshay roobkaan” ayuu yiri gudoomiyaha.

Roobka xilliga deyrta ah ayaa ka billawday deegaanno ka mid ah gobalada dalka, waxaana gobaladaasi ka mid ah Baay, Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.

Goobjoog News