U bood dhigaalka

Roob dadka iyo duunyada ay ku diirsadeyn oo haatan ka socda deegaanka Goofgaduud ee gobalka Bay (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

roobRoobab dadka iyo duunyada ay ku diirsadeen ayaa haatan ka socda deegaanka Goofgaduud ee gobalka Bay, iyadoo halkaasi ay ka mid ahayd deegaanada biyo la’aanta ay ka jirtay.

Gudoomiyaha deegaankaasi Axmed Aadan Maxamed Jadiid oo aynu goor dhaw xiriir la sameenay waxa uu sheegay in dadku ay ka faa’ideysanayaan roobkaan.

Dhanka kale Gudoomiyaha ayaa faah faahin ka bixiyay howlgaladii ugu dambeeyay ee ciidamada dowladda Soomaaliya ka sameeyeen halkaasi, waxaana uu sheegay in amniga deegaanka uu yahay mid hagaagsan.

Mar uu ka hadlaayay weerarada mararka qaar deegaankaasi ay kusoo qaadaan Al-shabaab ayuu sheegay in sidii hore aanu weerarka ahayn oo iyagu ay qaadaan duulaanka marka ay maqlaan meelaha Al-shabaab joogaan.

Dagaaladii ugu dambeeyay ee Al-shabaab ay la galeen ayuu sheegay in ay ku dileen sarkaal ka mid ah Al-shabaab oo aad looga yaqaanay gobalka Bay, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Halkaan hoose ka dhageyso.

Goobjoog News