U bood dhigaalka

Roobab Jaray Wadooyinka Gala Degmada Qoryooley Ee Shabellaha Hoose

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Qoryooley ee gobalka Shabellaha Hoose, ayaa sheegay in muddo Laba Todobaad ah ay xiran yihiin dhammaan wadooyinka gala degmadaasi, ka dib roobab ka da’ay halkaasi.

Gudoomiyaha degmadaasi Maxamed Xaaji Cismaan oo saaka lasoo xiriiray Goobjoog News, ayaa sheegay in degmada ay ka taagan tahay xaalad adag oo dhanka nolosha ah, islamarkaana xirnaanshiyaha wadooyinka ay sababeen in sare uu u kaco qiimaha la kala siisanayay Raashiinka.

“Laba Todobaad ayeey wadooyinka soo gala degmada go’an yihiin, waxaa ka da’ay roobab mahiigaan ah, dadka baadiyaha waxay soo mari jireen duurka, waxaa halkaasi jaray Roobabkii da’ay, raashiinkii sare ayuu u kacay, maadaama aanay jirin meel ay soo maraan” ayuu yiri Gudoomiyaha.

Sidoo kale gudoomiyaha degmada Qoryooley ayaa sheegay in rajo wanaagsan ay ka qabeen wadada dhanka Muqdisho soo aadan, hase ahaatee taasina lasoo dhigay Isbaarooyin badan.

“10 Isbaaro ka badan ayaa la dhigay wadada aan u aragnay in la mari karo oo biyo badan aysan yaallin, taasna waxay keentay caqabad ah in dadkii ay degmada go’doon ku ahaadaan”

Waxaa gobalo badan oo dalka ka mid ah ka curtay roobka xilliga Deyrta, kaasi oo biyo dhigay wadooyin muhiim u ahaa isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha.

Goobjoog News