U bood dhigaalka

Roobab jaray wadooyinka oo ka da’ay gobolka Hiiraan

Sheeko:Dalka

Roobab ka da’ay gobolka Hiiraan ayaa jaray wadooyin mara gobolkaas kaas oo culays ku keenay isku socodka gawaarida ee adeegsan jiray deegaanada dhaca duleedka gobolka Hiiraan.

Wariyaha Goobjoog FM Shukri Xuseen Sabriye oo ka tirsan howl wadeenada xafiiska wararka ee Goobjoog FM ay ku leedahay gobolkaas ayaa sheegtay in gaadiidka xamuulka ee gobolkaasi ka howl gali jiray ay ku noqotay culays hor leh wadooyinkan uu jaray roobka .

Dad tiradooda aan la cayimin ayaa la sheegay in ay ku xayiranyihiin wadooyinkaas iyada oo dadka qaar oo aan la xiriirnay ay sheegeen in aysan garanayn xilliga ay wadooyinku furmayaan.

Roobabkan ayaa ka da’ay Beledwayne, Buqda iyo Maxaas.