Roobab Ka Billawday Gobalka Sh/dhexe Iyo Wabiga Shabelle Oo Laga Baqayo Inuu Fataho

Roobab ayaa xilligaan waxa ay ka billawdeen deegaanno ka mid ah gobalka Shabellaha Dhexe, xilli ay jiraan digniin ah in fatahaad uu sameeyo wabiga Shabelle.

Roobabkaan oo hadda aan wax saameyn ah geysan ayaa si horudhac ah uga billawday gobalkaasi, iyadoo dadka ay wadaan dadaallo xooggan oo ay ku donayaan inay ku sameystaan difaacyo ku aadan fatahaad uu wabiga soo sameeyo.

Wariyaha Goobjoog News Aadan Xuseen Daa’uud ayaa soo sheegaya in magaalada Jowhar iyo deegaanno kale oo gobalka ah ay ka soconayaan dadaallo xooggan oo ku saabsan sidii looga hortagi lahaa Fatahaad uu sameeyo Wabiga.

Dhawaan ayaa digniin soo baxday waxaa lagu sheegay in bartamaha Bishaan October ay gobalada Shabeelooyinka ka di’i doonaan roobab wata Dabaylo xooggan, lagana yaabo inay ka dhashaan fatahaad saameyn ku yeeshay dadka iyo duunya ku dhaqan gobaladaasi.

Goobjoog News

Related Articles

One Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW