U bood dhigaalka

Roobab Ka Da’ay Deegaanno ay Abaar Ka Jirto

Sheeko:Dalka

Robab dadka iyo duunyada ay ku diirsadeen ayaa kad’ay Degaana ka mid ah Gobolka Gedo halkaas oo dadka ay dhibaato ku qabeen abaarta iyo biyo la’aanta ka jirtay.

Degaanada Buusaar iyo Ceel waaq ayaa Saacadihi lasoo dhaafay robabkan kacurteen waxaana dadka ay aad ugu diirsadeen maadama ay abaaruhu sameyeen sida dadka degaanka ay nosheegeen.

Mid kamid ah dadka degaanka Buusar ayaa Goobjoog News uuga waramay robab curtay iyo sida abaaraha awal deganadaasi ay usameyeen, isagoo sheegay in dadka iyo duunyadaba ku diirsadeen biyaha roobka

Si la mid ah Degaano ka mid ah Gobolka Hiiraan waxa ka da’ay  roobab xoogan kuwaas oo ay ku diirsadeen  dadka iyo duunyada

Dalka waxaa ka jira abaaro ba’an, waxaa xusid mudan in aan lagu jirin sidoo kale xilli roobab ay dalka ka da’aan.

Goobjoog News