U bood dhigaalka

Roobab Ka Da’ay Deegaanno Ka Tirsan Gobolka Baay

Sheeko:Dalka

Deegaanno ka tirsan gobollada Baay iyo Bakool islamarkaana maalmihii ugu dambeeyay ay biyo la’aan baahsan ka jirtay ayaa la sheegayaa inay da’een roobab ay dadka iyo duunyada ku diirsadeen.

Wararku waxay sheegayaan in degmada Buurhakaba ee gobolka Baay oo maalmihii ugu dambeeyay biyo la’aan ay ka jirtay uu roobkan ka da’ay, islamarkaana meello badan uu biyo dhigay.

Wariyaha Goobjoog ee gobollada Baay iyo Bakool Aadan Xasan Cismaan ayaa soo sheegaya in hadda shacabka ku dhaqan degmada Buurhakaba ay tahay mid dadka ay nafiseen maadaama markii hore harraad daran uu jiray.

Sidoo kale Roobabka ayaa ka da’ay deegaanno badan oo ku dhaw magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, waxaana sidoo kale deegaannadaasi ka jiray Biyo la’aan baahsan.

Waxaa magaalada Baydhabo dib ugu soo laabtay xubno ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed, kuwaasi oo biyo dhaamin ka waday deegaannada haatan roobabku ay ka da’een kadib markii dadku ay heleen biyo ku filan.

Goobjoog News