U bood dhigaalka

Roobab Khasaare Dhaliyay oo Markale Ka Da’ay Baardheere

Sheeko:Amniga

Magaalada Baardheere ee gobolka Gedo oo saacadihii lasoo dhaafay ay ka da’ayeen Roobab xooggan ayaa waxaa ka dhashay khasaare Nafeed, kadib markii xaafado kamid ah degmada ay kusoo rogmaday daad xooggan, oo ka dhashay Roobka si aad ah kaga da’ay degmada iyo deegaannada ku xeeran.

Waxaa ilaa iyo hadda la xaqiiiyay geerida sedex ruux isku Qoys ah, kuwaas oo ka koobnaa hooyo iyo laba caruur ah oo ay dhashay, waxaana magacyadooda lagu kala sheegay, Allah unaxariistee marxuumad Hooyo Farxiyo Xaaji Daahir, Gabadheeda Ikraan Cabdi Cali Baarte iyo Wiil yar oo ay dhashay Ikraan.

Todobaadkii hore ayey aheyd markii Roobab Dabeylo watay oo ka da’ay magaalada Baardheere ee gobolka Gedo ay ku ku geeriyoodeen 10 ruux kadib markii xaafadaha magaalada qaarkood ay dadku uga barakaceen biyaha roobka iyo fatahaadda kusoo rogmaday, oosiweyn looga dareemayo saameyntiisa.
Magaalada Baardheere ayaa inta badan waxaa xilli Roobaadyada ka dhaca Fatahaado ay waxyeeyo kasoo gaarto dadka shacaka ah ee kusuagan magaalada, Roobka da’aya ayaa qeyb ka ah xilli Gu’ga oo siweyn uga curtay inta badan gobollada dalka, waxaana lasoo warinayaa khasaare uu geystay Roobka.
Goobjoog News