U bood dhigaalka

Roobab Lagu Diirsaday Oo Ka Da’ay Deegaanno Ka Tirsan Puntland

Sheeko:Dalka

48-kii Saac ee lasoo dhaafay ayaa lagu soo waramayaa in roobab lagu diirsaday ay ka da’een deegaanno ka tirsan Puntland oo abaar ay ka jirtay.

Deegaanno ka mid ah gobollada Sanaag iyo Nugaal ayaa la sheegay in roobabkani ka da’een, islamarkaana ay meello badan biyo dhigeen.

Maxamuud Axmed oo ah guddoomiyaha Iskaashatada beeraleyda Sanaag ayaa sheegay in guud ahaan roobabkani ay ka da’een deegaannada gobolkaasi, islamarkaana ay ku diirsadeen dadka iyo duunyada.

Waxa uu tilmaamay guddoomiyaha in roobkani ay ku qabowsadeen, islamarkaana ay ka baxeen abaartii biyo la’aanta ahayd.

“Barwaaqo ayaan helnay roobka burburaha Goolis ayuu markoo hore ka da’ay hoos buu usoo degay dooxooyinka iyo beeraha ayuu helay, biyo badan buu dhigay, wax dhibaato ah oo roobkan inoo geystay ma jirto” ayuu yiri Maxamuud Axmed.

Guddiga ka hortagga musiibooyinka Puntland dhawaan waxay sheegeen in roobabka da’ay deegaannada abaartu ka jirto aanay waxba ka bedalin xaaladda abaareed ee halkaasi ka taagan, balse dadka deegaanandaasi ku nool waxay sheegayaan in isbedal badan ay dareemeen markii roobku heleen.

Goobjoog News