U bood dhigaalka

Roobab lagu diirsaday oo ka da’ay magaalada Garoowe ee gobalka Nugaal (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Roobab ay ku diirsadeen dadka iyo duunyada ayaa xalay ilaa maanta ka da’ay magaalada Garoowe iyo sidoo kale deegaano ku yaala gobalka Nugaal.

Roobabkaan ayaa biyo dhigay xaafado ka mid ah magaalada Garoowe, waxaana maamulka magaaladaasi uu sheegay in dib u habeyn lagu sameyn doono wadooyinka ay biyuhu fariistaan.

Qaar ka mid ah dadka ku dhaqan magaaladaasi ayaa u sheegay Goobjoog Fm in dhibaatooyin ay ka dhasheen roobabkaasi, waxaana ay tilmaameen in biyuhu ay ku rogmadeen guryahooda.

Wariyaha Goobjoog Fm ee Magaalada Garoowe Cali C/casiis Ducaale ayaa soo sheegaya in sidoo kale roobabkaan ay ka da’een deegaano fog oo gobalka Nugaal ah.

Halkaan hoose ka dhageyso Warkaan oo maqal ah.

Goobjoog News