U bood dhigaalka

Roobab Mahiigaan Ah Oo Maasheeyay Degmada Matabaan Ee Gobolka Hiiraan

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya inay ka da’een roobab mahiigaan ah oo dadka iyo duunyada ay si wacan ug diirsadeen.

Roobabkani oo ahaa kuwa aad u xooggan ayaa maasheeyay degmada Matabaan iyo degaanno hoostaga degmadaasi, waxaana ka curtay Hiiraan roobka xilliga deyrta ah.

Guddoomiyaha maamulka Ahlu Sunna ee Matabaan Macallin Nuur Cilmi ayaa Goobjoog News u sheegay in roobabka ka da’ay degmada ay sababeen in xoolo badan ay ku hafteen balliyo biyo ah oo ku yaalla degmadaasi sidaa daraadeedna ay la’deen.

Wuxuu sheegay in aysan xisaab lahayn xoolaha ku la’day roobabka xooggan ee ka curtay degmada Matabaan oo 24-kii saac ee la soo dhaafay si xowli ah uga da’ayay halkaa.

Dhanka kale, guddoomiyaha ayaa sheegay in roobabka da’ay ay ku barakaceen qoysas badan oo halkaa deganaa.

Wuxuu sheegay in dadka ay u hayaameen degaanno kale oo gobolka Hiiraan ka tirsan kadib markii daadad xooggani ay ku rogmadeen xaafadihii ay deganaayeen.

Ugu dambeyn wuxuu ku baaqay in gurmad beni’aadanimo lala soo gaaro dadka ku barakacay roobabka mahiigaanka ahi ee ka da’ay degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ee Bartamaha Soomaaliya.

Goobjoog News