U bood dhigaalka

Roobab Wata Daadad Xooggan Oo Ka Da’ay Gobalka Waqooyi Bari Kenya

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya gobalka Waqooyi Bari Kenya ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay ka billawdeen roobab wata daad xooggan, kaasi oo saameyn ku yeeshay dadka ku dhaqan gobalkaasi.

Roobabkaan oo dhawaan ay ka digtay Hay’adda Saadaasha Kenya ayaa la sheegay in daad xooggan uu ka dhashay, kaasi oo biyo dhigay meello badan oo gobalka ah.

Qof ku sugan halkaasi ayaa u sheegay Goobjoog News, in roobka uu socday Sagaal Saacadood oo xiriir ah, waxaana jirta deegaanada qaar oo aysan dadka isku gudbi Karin.

Dowladda Kenya ayaa dadka u diyaarisay cunto iyo sidoo kale diyaarado gaar ah oo loogu tala galay in dadka ay meel walba oo ku go’doomaan sahay raashiin iyo dawo ku gaarsiiso.

Sidoo kale dowladda Kenya ayaa horay uga sii digtay cudurro ka dhasha roobabkaan, iyadoo weli roobka uu yahay mid socda.

Goobjoog News