U bood dhigaalka

Roobkii Muqdisho Ka Da’ay Oo Khasaare Hantiyadeed Geystay

Sheeko:Dalka

Roobabkii ka da’ay magaalada Muqdisho waxay sabab u noqdeen in ay burburaan goobo badan oo ganacsi, waxayna sheegeen ganacsatada in khasaare hantiyadeed uu u geystay roobka.

Ganacsatada ayaa waxay sheegeen in dukaamada ay galeen biyaha kuwaasi oo qaaday dhammaan alaabtii taalay iyada oo ay u sii dheertay inay burbur ku reebeen xarumaha ganacsiga.

In badan waxaa burburay goobaha ganacsi ee saran waddooyinka oo ay biyaha si xoowli leh ay u jiireen.

Burburka waddooyinka ayaa ah waxyaabaha ganacsiga hoos u dhiga, waxayna daadaka qaar ay gooyeen waddooyinka jid cadayaasha soo gala goobaha ganacsiga.

Cabashada ugu badan oo ay qabaan ganacsatada ayaa ah in roobka uu ka burburiyey hanta badan, waxayn baaq u direen dowladda Soomaaliya si ay wax uga qabato waddooyinka jajaban .

Magaalada Muqdisho xilliyada roobka waxay marti-gelisaa daadad iyo biyo ka dhasha roobka waxayna inta badan saameyn ku reebaan ganacstada.

Goobjoog News