U bood dhigaalka

Rooble: Ciidamada Farmaajo Maka Amar Qaadan Karaan!

Sheeko:Amniga

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Maxamed Xuseen Rooble oo gordhaw shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in dalka maanta uu ka badbaaday afgambi ciidan oo uu sameeyay Madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Farmaajo.

Rooble ayaa sheegay in ciidamada qalabka sida ay ka hor yimaadeen afgambiga Farmaajo, waxa uuna sidooo kale amray dhamaan ciidamada dowladda in ay hadda ka dib ka amar qaataan Xukuumadda.

“Taliyayaasha Ciidanka aniga ayaa amraya shaqooyinkooda. Hadalna kama maqli karaan Farmaajo,maadaama uu yahay musharax. Sarkaalkii hadalkaygan ka horyimaada tillaabo deg deg ah ayaan ka qaadayaa”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble .
Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale sheegay in Farmaajo uu wado boob cad marki laga diidayna uu bilaabay in uu lugooyo doorashada.
“”Farmaajo wuxuu wadaa “ama waan boobaa ama waa bannad” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.
Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale sheegay in Farmaajo uu yahay musharax lamid ah musharixiinta kale ee u tartameysa xilka madaxweynanimada dalka.

“Maxamed Cabdullaahi Farmaajo sida aan la wada socono waa Musharax Madaxweyne waxba ugama duwana musharixiinta kale Xilkaan u taagan, waxa aan u caddeynayaa musharax ayaad tahay gees u istaag sida musharixiinta oo kale, kursigane u tartan, sidaas darteed Ciidamada kama amar-qaadan karaan, wax amarna ma siin karo maadaama uu doonayo hay’adaha & awoodaha qaranka uga faaiideysto musharaxnimadiisa kuna burburiyo dowladnimada haddii uu waayo dantiisa shakhsiga ah, taas oo ah waan boobaa ama waan banadaa, saan rabo hala ii yeelo ama Dalka ayaan burburinaa” ayuu yiri Rooble.

Warka ka soo yeeray ra’iisul wasaaraha ayaa ku soo aaday xilli xasaasi ah waxaana uu u muuqda mid sahli doona in dalka uu ka baxo xaaladda hubanti la’aan ah ee uu ku jiray.

Goobjoog News