U bood dhigaalka

Rooble: Doorashada Waa In Lagu Soo Gabagabeeya Ugu Dambeyn Dhamaadka December 2021

Sheeko:Amniga

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan dhanka fogaan aragga ah la qaatay xubnaha guddiyada doorashooyinka heer federaal iyo heer maamul.

Rooble ayaa ugu baaqay in guddiyada ay dardargeliyaan howlaha doorashada dalka si looga baxo hubanti la’aanta dalka.

Wasiirka koowaad ee dalka ayaa sidoo kale faray guddiyada in ay doorashada golaha shacabka ku soo gabagabeeyaan ka hor dhamaadka sanadkaan.

“Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa faray Guddiyada Doorashada Heer Federaal iyo Heer Dowlad-goboleed in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u bilaabaan doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka, ayna soo gebogebeeyaan ugu dambeyn dhammaadka bisha December 2021”, ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Xafiiska ra’iisul wasaaraha dalka.
Goobjoog News