U bood dhigaalka

Rooble: Guddoomiyayaasha La Doorto Haddii Hantida La Soo Dhacay Wax Laga Siiyo Dalka Horumar Ma Gaarayo

Sheeko:Amniga

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Maxamed Xuseen Rooble oo magaalada Geneva kulan kula qaatay jaaliyadda Soomaaiyeed ee dalka Switzerland ayaa warbixin ka siiyay xaaladda dalka.

Kulanka oo ay ka soo qayb galeen Soomaalida ku nool dalka Switzerland ayaa ra’iisulwasaaraha dalka Maxamed Xuseen waxa uu ka hadlay marxaladaha adag ee ku gadaaman doorashada dalka.

Rooble ayaa sheegay in dalka uu burbur ka badbaaday 25 April sanadkii hore 2021 kadib markii baarlamaankii waqtigiisa dhamaaday uu mudda kordhin sharci darro ah sameeyay.

“Maanta oo ah 25-ka bisha waa maalintii uu dagaalka ka dhici lahaa Muqdisho, oo mudda kororsigii la kororsaday dagaalkii dhici lahaa maanta oo kale ayuu ahaa oo dalka allaah uu badbaadiyay” ayuu yiri ra’iisulwasaare Rooble.

Rooble ayaa hadalkiisa intaas ku sii daray ” Runtii dadku waxa dhahaan Roobla badbaadiyay laakin ani ma badbaadin shacabka Soomaaliyeed waa shacab ilaahey leeyahay illaahana badbaadiyay, wax badanaa la isku dayay Ajnabi iyo Soomaali in dalkaan qarka laga tuuro iyagoo eeganaya dano gaar ah”.

“Runta idiin sheegaya haddii guddoomiyayaashaas noqdan dad sax oo runta ku taagan oo sharciga ilaalinaayo oo aysan hadhoow madaxweynaha meeshuu u leexiyo ama hantida la soo dhacay ee wax laga siinay la leexdaan dalkaas hormar gaari maayo” ayuu yiri ra’iisulwasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble.

Rooble ayaa safar hal maalin ah ku tagay magaalada Geneva ee dalka Switzerland  , halkaas oo uu kaga qayb galayay shir caalami ah oo looga hadlayay abaaraha.

Goobjoog News