U bood dhigaalka

Rooble iyo Qoor-Qoor Oo Ka Wada Hadlay Abaaraha

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha maamulka goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor ayaa manta magaalada Muqdisho waxaa uu kulan gaar ah kula qaatay Ra’iisalwasaaraha xukuumadda federalka ah ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa looga hadlay arrimo dhowr ah, waxaana siweyn diiradda loogu saaray dardargelinta doorashooyinka golaha shacab iyo arrimaha abaaraha eek a jira deegaannada Galmudug iyo sidii wax looga qaban lahaa.

Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa horay Muqdisho waxaa uu kulamo kala duwan kula qaatauy Ergayga UK uqaabilsan Soomaaliya iyo ku-xigeenka Ergayga Qaramada Midoobey , isaga oo kala hadlay abaaraha iyo sidii loogu gurman lahaa dadka.

Goobjoog News