U bood dhigaalka

Rooble iyo Dowlad Gobaleedyada Oo Ka Shiray Doorashada iyo Abaarta Dalka

Sheeko:Amniga

Ra’iisalwasaaraha xukuumadda federalka ah ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa shir-guddoomiyey kulan ay wada yeesheen golaha wadatashiga qaranka, shirka ayaa ku qabsoomay alaaladda fogaan aragga, kaas oo  looga hadlay aarrimo badan.

Shirka ayaa intii uu socday waxaa diiradda lagu saaray dhammaystirka arrimaha doorashooyinka golaha shacabka BFS iyo xaaladda abaaraha ee ka jirta dalka, taas oo saamaysay dadka iyo duunyada iyo sidii  waxa looga qaban lahaa abaaraha jira.

Shirka wadatashiga amniga qaran ayaa waxaa uu ka kooban yahay ra,iisalwaasaare Maxamaed Xuseen Rooble madaxda maamul goboleedyada Puntland, Jubbaland Koonfur Galbeed, Galmudug, kuwaas oo la raaciyey guddoomiyaha gobolka.

Goobjoog News