U bood dhigaalka

Rooble Iyo Hay’adaha Gargaarka Imaaraadka Oo Ka Hadlay Gurmadka Abaaraha

Sheeko:Amniga
Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa magaalada Abu Dhabi kulan kula qaatay qaar kamid ah madaxda hay’adaha gargaarka ee fadhigoodu yahay Imaaraadka carabta.
Rooble ayaa kala hadlay hay’adaha sidii ay uga qeeyb qaadan lahaayeen gurmadka loo sameynayo dadkii ay saameeysay abaarta .
Kulanka ayaa waxaa ka soo qeeyb galay madax ka kala socota hay’adda Bisha Cas ee Imaaraadka Carabta iyo hay’adaha samafalka ee dalkaas.
“Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa magaalada Abu Dhabi kula kulmay hay’adda Bisha Cas ee Imaaraadka Carabta iyo hay’adaha samafalka ee dalkaas oo uu kala hadlay sidii gargaar deg deg ah loola soo gaari lahaa shacabka Soomaaliyeed ee abaartu saameysay,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha dalka.
May be an image of 7 people, people sitting and indoor