U bood dhigaalka

Rooble Iyo Madaxda Maamulada Oo Ka Arinsaday Doorashada.

Sheeko:Amniga

Golaha Wadatashiga Qaran oo ay ku mideysan yihiin Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada ayaa caawa yeeshay kulan ku qabsoomay qadka Zoomka, iyadoo shirkan looga hadlay dardar gelinta doorashooyinka, sida dhameystirka doorashada Aqalka Sare iyo qabashada doorashada Golaha Shacabka.

 

Sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa Guddoomiyaha Guddiga doorashada heer Federaal, oo golaha uga warbixiyay hawlaha doorashada aqalka sare, iyo tallaaboyinka lagamaarmaanka u ah in la bilaabo doorashada Golaha shacabka.

Ugu dambeyn ilo ku dhow dhow shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa kuwaramaya in la isku soo hadal qaaday in shir Fool kafool ah ay isugu yimaadaan, balse lama go’aamin waqtiga rasmiga ah uu qabsoomi doono shirkaasi.

 

GOOBJOOH NEWS.